Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u soo dhaweeyay dadaallada lagu dhex dhexaadinayo dowladaha Jabuuti iyo Eritrea, islamarkaana ay garwadeen ka tahay dowladda Soomaaliya.
Shacabka ayaa ku amaanay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo tallaabada uu u qaaday xalinta khilaafkaasi.
Waxaana ay sheegeen in Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay ku taageersanyihiin dadaalladaasi lagu doonayo in lagu xaliyo muranka u dhexeeya Eritrea iyo Jabuuti.
Leave a Reply