Sargaal Sare oo katirsanaa Ciidamada Meliteriga Soomaaliland oo lagu magacaabo Korneel Caare ayaa dhawaan iskaga soo goostay Maamulkaasi.
Waxay mahadho ku reebtay Ciidanka maadaama uu ahaa Geesi dadka iyo Dalka Soomaaliland sida ay sheegeen wax badan uqabtay loona baahnaa in la af garto cabashadiisa.
Xitaa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani C/raxmaan C/llaahi Cirro waxa uu sheegay inay Soomaaliland kala dhantaal Ciidan wajaheyso hadii Caare ay ceshan waayeen.
Waxa uu sheegay Korneelku inuu yahay mid aan ucuntameyn bahdilaad iyo wax qabad taasi oo keentay in Furumaha Dagaalka uu ku cidleeyey Soomaalialnd-tii uu mudada Xabadka u garaacanayey.
Waxaa Jiray dhowr mar in la isku dayey soo celinta Korneelka iyo Ciidamo badan uu la goostay balse fashil ayey ku dhamaadeen.
Caare ayaa lagu arkay magaalada Qardho oo Puntland Maamusho kaasi oo sheegay in weli uusan Puntland isku dhiibin.
Dagaal jabhadeyn ah ayuu ku goodiyey inuu qaadayo Korneelkaasi,taasi oo si cad aan loo ogeyn waxa ay ka dhigan tahay.
Leave a Reply