Dad badan ayaa ilaa hadda su’aalo kala duwan iska waydiinaya sababaha ay kooxda Alshabaab ugu fududaato inay ku guulaysato weerarada qorshaysan ee ay ka fuliso dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Baarayaal muddo ku raad joogey sababaha keena inay Alshabaab weeraradaasi ku guulaysato ayaa waxa ay sheegeen in Alshabaab ay adeegsadaan xeelado aad u adag oo aysan fahmin laamaha ammaanku taasina ay ka caawisa inaysan ku guul daraysan weeraro badan.
Alshabaab ayaa la sheegay inay adeegsadaan sirdoon aysan dadku marnaba rumaysan karin waxaana ka mid ah dhalinyaro aad u da’yar oo dadka tuugsada ama dawarsada kadibna macluumaad dheeraad ah soo siiya kahor inta aysan qorshe samayn.
Alshabaab ayaa waxaa la sheegay inay lacago yar siiyaan kooxdaasi dhalinyarada ah ee macluumaadka siiya, waxaana dad badani iswaydiinayaan hab noocee ah ayaa looga guulaysan karaa in sirdoonkaa silloon gacanta lagu dhigo.
Leave a Reply