TOPNEWS:-Dagaal ka dhacay Magaalada Caabud-waaq

Wararka ka imaanaya magaalada Cabduwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in galabta casar liiqii uu magaalada ka bilowday dagaal u dhaxeeya laba maleeshiye beeleed.

 

Dagaalkan oo lagu soo warramayo inay 5 qof ku dhinteen tira kalena ku dhaawacmeen, ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka laba beelood oo magaalada wada dega oo dhowr mar magaalada ku dagaalamay ay heshiis kala saxiixdeen.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo aano qabiil oo u dhaxeysa beelaha ay kasoo kala jeedaan labada maleeshiyo ee dagaalka uu dhex marayo

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*