Madaxweynaha Galmudug Oo Cadaado Tagay Xili Xilka Laga Qaaday

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa  Gaaray Magalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug.

Guuleed ayaa garoonka cadaado waxa ku soo dhaweyay xubn kala socda labada golle ee dowlada iyo qeybaha bulshada ee dagmada cadaado isagoona intasi ka dib loo galbiyay madaxweynaha xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in kulumo deg deg ah uu la qaato golayasha Dowlada iyo qeybha bulshada kuwasi oo inta badan kala hadli dono xalada deeganada Galmudug iyo sidi loo sii laba jibaari lahaa hormarka deeganada Galmudug in kasta oo shalay xubno ka tirsan barlamanka Galmudug sheegeen inay xilka ka qaadeen

Shalay ayeey aheyd markii xildhibaano ka tirsan Galmudug ay shegeen in kalsoonida ay kala laabteen madaxweynaha Galmudug

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*