Dil Ka Dhacay Bosaaso Xili Madaxweyne Gaas Bosaaso Ku Sugan Yahay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goor dhaw halkaas lagu dilay labo qof rag ah, ayna dilkooda fuliyeen Dabley Bistoolado ku hubeysan oo ka baxsatay goobta dilkan ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamada Amnigu hadda wadaan howlgalo ay ku baadi-goobayaan kooxihii ka dambeeyey falkan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ragga la dilay ahaayeen ciidamada Difaaca ee Puntland, balse Saraakiisha ciidamada amniga oo aan la xariirnay wey ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan arrimahan.

Boosaaso hadda waxaa jooga Madaxda ugu sareysa dawladda Puntland, waxaana hory loogu dilay masuuliyiin katirsan dawladda Puntland todobaad gudihiis sadex masuul

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*