DHAGEYSO:-Madaxweynaha Soomaaliya Oo Hambalyo U Diray Jawaari

Madaxweynah Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaanadda Baarlmaanka Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya sida hufnaanta leh ee ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha Baarlmaanka ee Soomaaliya ee uu ku guuleeystay Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.

 

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay musharaxiintii kale ee tartaranka ka qeyb gashay sida kartida dheeraadka ah ee ay u aqbaleen natiijada doorashadii guddoomiyaha Baarlmaanka ee maanta dhacday.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin cid laga adkaaday iyo cid adkaatay, isaga oo sheegay in Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay guuleysteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*