Warbixin: Hormarka Raaso oo isa soo taraya

Dalxiise ku sugan magaalada Raaso oo warbaahinta Raasonews24 khadka is-gaadhsiinta ugu warramay, ayaa sheegay in magaalada Raaso uu ka jiro horumar la taaban karo.

Wax yaalaha soo jiitay oo uu si gaar ah u xusay waxa ka mid ah waddooyin waaweyn oo magaalada  dhexdeeda laga sameeyey, qaybna ka ah qorshe-dhismeedka magaalada. Waddooyinkan ayaa sida uu sheegay, wax weyn ku soo kordhiyey bilicda magaalada, fududeeyeyna isu-socdka dadka iyo gaadiidka.

Dalxiisahani, waxa uu sheegay cimilada ku giblan magaalada Raaso iyo deegaannada hoosyimaadda inay aad u soo jiidatay tahayna mid lagu raaxayso.

Maraan wax ka weydiinnay dhanka caafimaadka,  waxa uu noo sheegay, inay magaalada ka jiraan xarumo caafimaad wax-ku-ool ah.

Magaalada Raaso, waxay ka mid tahay, dagmooyinkii ugu danbeeyay ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku soo biiray. Degmada Raaso, oo ay magaalada Raaso xarun u tahay, waxay ka tirsantahay gobolka Afdheer. Arrintu si kastaba ahaatee, marka loo eego magaalooyinkii ka horreeyey da’ahaan, degmada Raaso, waxay ku sii tallaabsanaysaa, maalinba maalinta ka danbaysa, horumar la taaban karo oo dhan kasta ah. Tallaabadii ugu danbaysay ee horumarineed ee ay gaadhay degmadani ayaa ahayd khadka isgaadhsiinta oo loo furay, taas oo bulsha weynta ku dhaqani ka haqab-beeshay adeegsiga inernetka iyo taleefannada, dhowaanna waxa la filayaa in biyo-gelin guri kasta ah lagu sameeyo, iyadoo biyaha looga soo jiidayo webiga mara duleedka magaalada Raaso. Sidoo kale, waxa la filayaa in la gelin doono dhowaan magaalada, koronto joogta ah ama habeen iyo dharaar soconaysa. Inshaa Allaah.

Wararka Kale ee Maanta.

Comment

Animated Social Media Icons Powered by Acurax Wordpress Development Company
Visit Us On TwitterVisit Us On FacebookVisit Us On Google PlusVisit Us On Youtube